Logotipo de NourishedRX

Términos y condiciones

Ku soo dhawoow Shuruudaha iyo Xaaladaha NourishedRx. Shuruudahan iyo Xaaladahan ("Shuruudahan") waxay u taagan yihiin heshiis dhaqangal ah oo u dhexeeya adiga ("adiga", "naftaada", "qudhaada") iyo Project Well, Inc., DBA NourishedRx. (“NourishedRx”) ee maamulaya barnaamijka adeegyada nafaqeynta (“Adeegyada”) iyo softiweerka la xiriira ee ay NourishedRx ku bixiyaan websaydkooda(“Madal”) ama ablikayshankooda moobeelka, iyo kanaal kasta ama habxiriir kasta oo kale oo NourishedRx u soo bandhigayso ka qaybqaatayaashiisa (ee “Ablikayshanka”).

Markaad soo gasho ama isticmaasho Ablikayshan ay bixiso NourishedRx oo ku xirmaya Shuruudahan ama markaad hesho Adeegyada ka dib marka lagu siiyo ogeysiiska Shuruudahan, waxaad aqbashay inay ku qabanayaan xaaladaha iyo shuruudaha ku qoran Shuruudahan. Haddii aadan aqbalin Shuruudahan, waa in aadan soo gelin ama adeegysan Adeegyada ama .

Haddii aad u isticmaalayso Ablikshaynka ama Adeegyada adoo ka wakiil ah qof kasta, waxaad matalaysaa oo aad dammaanad qaadaysaa in si sharci ah laguugu oggolaaday inaad Shuruudahan ku aqbasho magaca qofkaas oo aad ogolaato inaad masuul ka tahay haddii adiga ama qofka noocaas ahi ku xad-gudbaan Shuruudahan.

NourishedRx way beddeli kartaa, wax ku dari kartaa, iyo/ama tirtiri kartaa qayb kasta oo ka mid ah Shuruudahan wakhti kasta iyada oo Shuruudaha cusub soo dhigay Ablikayshanka, isbedeladaasina waxay dhaqan gelayaan marka la soo dhigo Ablikayshanka. Sii isticmaalkaaga Adeegyada ama Ablikayshanka ka dib marka la soo dhigo waxay ka dhigan tahay inaad aqbashay isbedelada noocaas ah. Sidaas darteed, waa inaad si joogto ah dib ugu qiimeyso Shuruudahan si aad u aragto in la beddelay

WAXAAD AQOONSAN TAHAY ADIGA OO GUJINAYA BADHANKA "XIGA", HELITAANKA AMA ISTICMAALKA CODSIGA, AMA ADEEGYADA AMA AAD LA XIRIIRTO NOURISHEDRX QOFKA NOURISHEDRX TALEEFOONKA, IIMEYLKA AMA FARIIINTA, (A) INAAD UGU YARAAN SIDDEED IYO TOBAN (18) SANO OO DA' AH, (B) WAXAAD AKHRIDAY OO FAHANTAY SHURUUDAHA, (C) WAXAAD OGOLAATAY INAAD SI SHARCI AH UGU XIDHAN TAHAY SHURUUDAHAN, OO AY KU JIRAAN XAD LA’AAN, EEDAYNTA DAMMAANAADDA, WAXYEELADA IYO DAYNTA, IYO CAYRINTA, SHARCIAGA XIDHIIDHKA.

HADDII AAD LA KULANTO XAALAD DEGDEG AH OO CAAFIMAAD, WAA INAAD ISLA MARKIIBA WACDAA "911"

Cusboonaysiintii ugu dambaysay oo dhaqan galay: Maay, 2025.

1. Shati Bixin; Xaddidaadaha Saaran Isticmaalka.

Iyadoo la raacayo u hoggaansanaantaada Shuruudahan, NourishedRx waxay halkan ku siinaysaa ogolaansho isticmaal xaddidan, aan gaar ahay, la wareejin karin, aan la sii bixin karin shatigiisa, cid kale loo xilsaari karin oo aad ku isticmaasho Ablikayshanka. Marka laga reebo xuquuqda xaddidan ee si cad keligaa laguu siiyay, dhammaan xuquuqaha kale ee ku jira Adeegyada iyo Ablikayshanka waxay u gaar yihiin NourishedRx iyo shati bixiyaasheeda oo NourishedRx ayaa ah milkiilaha keliga ah iyo kan gaarka ah ee Adeegyada iyo Ablikayshanada.

Waa inaadan (1) shati ahaan u bixin, shati hoosaad ahaan u bixin, iibin, dib-u-iibin, wareejin, qoondeyn, qaybin, ama sinnaba ugu bandhigin dhinac saddexaad; (2) wax ka beddelin ama samayn waxyaabo aad ka soo dheegatay Ablikayshanka; (3) gadaal u furfurin Ablikayshanka si aad (a) u sameyso badeeco ama adeeg la tartama (b) sameyso badeecad isticmaalaysa fikrado, qaybo, shaqooyin ama muuqaalo la mid ah kuwa Ablikayshanka, ama (c) ama u sameyso badeecad isticmaalaysa fikrado, qaybo, shaqooyin ama muuqaalo la mid ah kuwa Ablikayshanka, ama (4) daahfurin koodh ama borogaraam otomaatig ah, oo ay ku jiraan, inkastoo aanay ku xaddidnayn xog uruuriyaasha mareegaha, xog baarayaasha websaydyada, robotyada, web aantis, websayd taxayaal, robotyo, fayrasyo ama woormis, ama barnaamij kasta oo kale oo sameeyaa codsiyo seerfar oo badan daqiiqadii, ama culeys iyo caqabad aan loo baahnayn ku keena hawsha iyo/ama waxqabadka uu Ablikayshanka hayo.

Waxaad Ablikayshanka iyo Adeegyada u isticmaali kartaa kaliya ujeedooyin sharci ah umana isticmaali kartid: (1) inaad ku soo dirto isbaam ama shay kale oo is nuqulaynaya ama farriimo aan loo baahnayn oo ku xadgudbaya shuruucda ku habboon; (2) inaad ku dirto ama ku kaydiso xog xadgudub ah, sharci darro ah, hanjabaad ah, ama si kale ugu xadgudbaysa sharciga, oo ay ku jirto xog carruurta wax u dhimaysa ama ku xadgudbaysa xuquuqda ilaalinta xogeed ee dhinacyada saddexaad (3) inaad ku dirto ama ku kaydiso macluumaad uu ku jiro fayras, woormis, Torojan Hoorsis, ama koodhadh koombiyuutar, faylal, iskiribtiyo, wakiil ama barnaamijyo dhibaato leh; (4) wax faragelinaya ama khalkhalinaya habsami u socodka ama hawlaha Ablikayshanka ama xogta ku guda jirta; ama (5) inaad isku daydo inaad si aan la ogolayn u shoo gasho Ablikayshanka ama nidaamyada iyo shebekadaha la xiriira.

Waxaad qiraysaa in NourishedRx aanay wax masuuliyad ah ka saarnayn la socoshada soo gelistaada ama isticmaalkaaga Ablikayshanka laakiin ay xaq u leedahay inay sidaas sameeyaaan si ay ula socdaan shaqada Ablikayshanka, u hubiyaan u hogaansamidaada Shuruudahan ama si ay ugu hogaansamaan sharciga ama amar ama shardi maxkamadeed, hay'ad maamul, ama gole dawladeed kale. NourishedRx waxay xaq u leedahay, wakhti kasta iyo ogeysiis hore la'aan, inay ka saarto ama joojiso helitaankaaga xog kasta oo NourishedRx, iyada oo kali ah, ay u aragto inay ku xad gudubto Shuruudahan ama si kale dhibaato ugu ah Ablikayshanka.

2. Lahaanshaha Hanti-garaadka; Qarsoonidinimo.

NourishedRx keligeed ayaa lahaan doonta dhammaan xuquuqaha, milkiga, iyo danaha, oo ay ku jiraan dhammaan xuquuqaha la xiriira hantida garaadka, ee ku guda jirta iyo ta la gelinayo Ablikayshanka iyo Adeegyada (oo ay ku jiraan xaddidaad la'aan qoraal, sawirro, xog daabacaadeed, qaabeyn, jaantusyo, naqashado, HTML, dareen iyo muuqaal, muusiko, codad, sawirro, softiweer, muuqaallo, naqshado, iyo xogo kale) iyo soo jeedino, fikrado, ama codsiyo horumarineed, jawaab celino, talooyin, liisas dukaamaysi iyo doorbidyo, ama jawaab celino kale ee aad bixiso ee khuseeya Ablikayshanka ama Adeegyada ("Jawaab celino"). Waxaad halkan NourishedRx ku siisay dhammaan xuquuqaha, milkiga, iyo danaha ee Jawaab Celinahaas. Waa inaad xogta iyo qaybaha shaqo ee Ablikayshanka sirtiisa si adag u ilaalisaa, dejisaa hab amni oo ku filan in lagu sugo badbaadada Ablikayshanka, oo aad NourishedRx si dhaqso ah ugu wargelisaa haddii aad ka war hesho wax isticmaal ama baahin sharci darro ah oo ku socda Ablikayshanka. Shuruudahan wax xuquuq lahaansho ah oo si uun ula xiriira Ablikayshanka ama Adeegyada kuma siinayaan, ama kuma siinayaa wax hanti garaad ah oo ay leedahay NourishedRx oo magacyada, astaamaha, iyo magac badeeceedka la xiriira Adeegyada iyo Ablikayshanka waa astaamo ganacsiyeed ama astaamo adeegeed ay leeyihiin NourishedRx ama dhinacyo saddexaad, oo wax shati ama xuquuq ah oo aad ku isticmaali kartid ma haysatid. Waxaad halkan NourishedRx u siinaysaa ogolaansho bilaa faa'iido-qaybsi ah, adduunka oo dhan u furan, dib loo sii bixin karo shatigeeda, shatigiisa la wareejin karo inay nuqul ka sameeyaan ama u isticmaalaan sida ay doonaan xog ama macluumaad kasta oo aad soo geliso Adeega ama Ablikayshanka, haddii NourishedRx raacdo shuruudaha Siyaasadda Asturnaanta.

Waxaad aqbashay in jebinta Qaybtan ay NourishedRx ku keeni doonto dhaawacan aan laga soo kaban karayn, oo wax ka qabasho sharciyeed aanay ku filnayn inay magdhow ka bixiso dhibaatada ama dhaawaca soo gaara NourishedRx. Sidaas darteed, NourishedRx waxay xaq u leedahay inay amar maxkamadeed ku joojiso wixii xad gudub ah iyada oo aan shubin wax lacag horumarin ah. Xuquuqda sare waa ku darsi keliya ee ma xaddidayso wax xuquuq ah ama sixitaan ah taas oo NourishedRx ay xaq u leedahay, sharciyan ama hanti ahaan.

3. Uruurinta iyo Isticmaalka Macluumaadka; Idan.

NourishedRx waa inay macluumaad kasta oo ay kaa soo uruuriso ama kaaga hesho Ablikayshanka ama Adeegyada ula dhaqanta si waafaqsan Siyaasadda Asturnaanta (“Siyaasadda Asturnaanta”). Fadlan dib u eeg Siyaasadda Asturnaanta ka hor intaadan isticmaalin Ablikayshanka ama Adeegyada. Markaad la soo degto, ku shubato, adeegsato, oo aad macluumaad ku dirto ama sii dhexmariso Ablikayshanka ama Adeegyada, waxaad ogolaatay dhammaan talaabooyinka ay qaaday NourishedRx ee ku saabsan macluumaadkaaga si waafaqsan Siyaasadda Asturntaanta. Haddii aadan rabin inaad aqbasho shuruudaha iyo xaaladaha Siyaasadda Asturnaanta, fadlan ha isticmaalin Ablikayshanka ama Adeegyada.

4. Koonto, Lambar Sireed, iyo Amni.

Koontadaada waxa loo ogolaaday keligaa, oo waa in aadan cid kale u ogolaan inay isticmaalaan xogtaada gelitaanka si ay ugu soo galaan Ablikayshanka. Adiga ayaa mas'uul ka ah ilaalinta sirnimada lambar sireed kasta oo ay NourishedRx ku siisay si aad ugu gasho Ablikayshanka. Keligaa ayaa leh masuuliyadda buuxda ee dhammaan hawlaha ka dhex dhaca koontadaada. NourishedRx si cad ayay uga afeefanaysaa inaanay ku lug lahayn dhibaato ama si xun u isticmaal kasta oo ka dhasha koontadaada. Haddii aad ka shakido in dhinac aan loo ogalayn uu isticmaalayo lambar sireedkaaga ama koontaada ama aad ka shakido in amniga wax dulduleela ah ku yimi, waa inaad islamarkiiba la xiriirto NourishedRx. Adiga ayaa keliga ka masuul ah, oo NourishedRx si cad ayay uga afeefanaysaa inaanay ku lug lahayn eed kasta oo la xirirta, dhammaan xogta, macluumaadka, iyo tafaasiisha aad geliso Ablikayshanka ama aad u bixiso si la xiriirta Adeegyada oo natiijada laga helo iyo saxnaantoodaba. NourishedRx waxay halkan kugu wargelinaysaa in xiriir kasta ama dhammaan xiriirada aad la sameyso Ablikayshanka ama la xiriira Adeegyada ay NourishedRx ula socon karto, kaydin karto, diiwaanka gelin karto oo maamulka ugu gudbin karto sidii macquul ah iyadoo aan cidna wax ka waydiin ama wax ogeysiis ah soo dirin.

5. Ma aha Talo Caafimaad; Afeef ku Saabsan Keenista Cuntada.

Waxaad qiratay oo ogolaatay in NourishedRx aanu bixin wax talo caafimaad ah. Macluumaad ama xog kasta oo laga helo Adeegyada ama Degelka waxa loogu talagalay macluumaadsiin keliya umana noqon karto beddel qiimeynta daryeele caafimaad xirfad leh bixiyo si loogu baaro oo loogu daaweeyo bukaanada, macluumaadkan waa inaan loo qaadan inuu daawo yahay. NourishedRx kama masuul ah saxnaanta, waqtiyaysnaanta, ama dhammeystirnaanta macluumaadkaaga shakhsiyeed, ama kalsoonida adiga ama xirfadle caafimaad oo kale ku yeelanayo macluumaadkaaga shakhsiyeed ama maclumaad kasta oo kale oo ku jira Ablikayshanka ama si kale loogu bixiyay Adeegyada. ADEEGYADA IYO ABLIKAYSHANKA LOOGUMA TALIGELIN INAY BEDDEL U NOQDAAN TALADA, BAADHITAANADA, AMA DAAWAYNTA DHAKHAATIIRTA CAAFIMAADKA. HAD IYO JEER TALO KALA TASHO DHAKHTARKAAGA AMA DARYEEL BIXIYE CAAFIMAAD OO KHIBRAD U LEH WIXII SU'AALO AH EE LAGA YAABO INAAD QABTO EE KHUSEEYA XAALAD CAAFIMAAD KA HOR INTAADAN KU DHAQMIN TALO CUNTEED KASTA AMA AADAN QAYBQAADAN QORSHE CUNTEED KASTA, HA NOQOTO MID AY BIXISO NOURISHEDRX, CUNTO BIXIYAYAASHA, AMA KUWA KALEBA. MARNABA HA ISKA DIIDIN AMA HA DIB DHIGIN TALO CAAFIMAAD ADIGOO SABAB UGA DHIGAYA MACLUUMAAD AAD KA HESHAY ABLIKAYSHANKA AMA ADEEGYADA.

Adiga ayaa mas’uul ka ah inaad hubiso dhammaan cuntada aad ka hesho bixiye cuntada NourishedRx si aad u aragto waxyeello ama arrimo kale marka la keeno, iyo inaad si degdeg ah uga warbixiso arrimahaas NourishedRx. NourishedRx ma dammaanad qaadayso in 100% cuntada la beddelo, waxaana xaalad kasta loo qiimayn doonaa si gooni ah. Adiga ayaa si buuxda uga masuul ah inaad akhrido oo aad u hoggaansanto shuruudaha, tilmaamaha, ama macluumaadka kale ee bixiyaha cuntada kugu soo lifaaqo cuntada.

Adiga ayaa mas’uul ka ah inaad NourishedRx ogeysiiso wixii xasaasiyad cunto ah ee aad qabto, isla markaana aad hore noogu wargeliso xasaasiyadahaas. NourishedRx kama masuul aha wax falcelin xasaasiyadeed ama nooc kasta oo kale oo ka dhasha cuntada bixiyayaasha NourishedRx, adigana ayaa mas’uul ka ah inaad hubiso calaamadaha iyo walxaha ka kooban cuntada lagu siiyo. NourishedRx, iyada oo go’aankeeda ku salaysan, waxay tixgelin kartaa dalabaad la xiriira xasaasiyadda ama arrimo diimeed, balse ma dammaanad qaadi karno in mar kasta la fulin doono.

Markaad ka qaybqaadato Platform-ka/Adeegyada/Application-ka, waxaad ka heli doontaa NourishedRx macluumaad la xiriira keenista cuntada bixiyayaasheena. Adiga ayaa mas’uul ka ah inaad hubiso in NourishedRx haysto xogtaada xiriirka ee saxda ah si fariimahaas loo soo diro, sidoo kalena mas’uuliyad adiga kugu saaran tahay inaad akhrido oo aad la socoto fariimahaas. Waxaad xaq u leedahay inaad ka noqoto oggolaanshahaaga in xogtaada lala wadaago dhinac saddexaad, balse sidoo kale waxaad ogolaanaysaa oo fahamsan tahay in taasi saamayn ku yeelan karto fulinta adeegyada aanu bixino.

6. Xaddidista Waxa Na Loo Raacayo.

WAXA AAD AQBASHAY IN AADAN NOURISHEDRX, SHIRKADAHA LA JAALKA AH, AMA MID KASTOO KA MID AH WAKIILADEEDA, SHAQAALAHEEDA, QANDARAASLAYAASHA MADAXA BANNAAN, QAREENADA, SARAAKIISHA, AGAASIMAYAASHA, SHURAAKADA, CUNTO BIXIYAYAASHA, AMA MAALGASHADAYAASHEEDA, (WADA JIR LOO YAQAANO, "DHINACYADA NOURISHEDRX") U QABSAN OO KA DHAAFTO DHAMMAAN WIXII EED AH EE KA DHASHA ISTICMAALKAAGA AMA ISTICMAAL LA'AANTAADA ADEEGYADA AMA SOFTIWEERKA, OO AY KU JIRAAN INAAD U QABSAN WAX EED AH OO KA DHASHA DHAQANKA, FICILKA, AMA KA TEGISTA ISTICMAALE KASTA, AMA ADEEGYADA AY BIXIYAAN DHINACYADA NOURISHEDRX, IYO LUMITAANKA AMA BURBURKA KU YIMAADA MACLUUMAADKAAGA.

XAALAD KASTABA HA NOQOTEE MARNA DHINACYADA NOURISHEDRX LOOMA QABSAN KARO DHIBAATOOYINKA TOOSKA AH, AAN TOOSKA AHAYN, SHILKA AH, KA DHASHAY FICILO KALE, KHAASKA AH, CIQAABEED AMA TUSAALE EE KA DHASHA ISTICMAALKAAGA AMA ISTICMAAL LA'AANTAADA ADEEGYADA AMA ABLIKAYSHANKA, XITAA HADDII LAGUU SII SHEEGO INAY TAASI DHICI DOONTO, OO AY KU JIRAAN IYADOON INTAAS KU KOOBNAYN, DHIBAATOOYINKA KA DHALAN KARA AMA LA XIRIIRA (I) KHALADAADKA, GEFAFKA, AMA IS DHAAFKA KU JIRA BOGGA AMA ADEEGYADA (II) ISTICMAAL KASTA OO BOGGA LAGU SOO GALO AMA LAGU ISTICMAALO (III) CILLADO, FAYRASYO, TOROJAAN HOORASYO, AMA WIXII LA MID AH, EE LAGA YAABO IN LAGU GUDBIYO AMA LAGA SOO DHEX GUDBIYO BOGGA AMA ADEEGYADA; (IV) XOG AMA XOG GUDBIN KASTA AMA LUMIN AMA DHAAWAC KASTA NOOCUU DOONO HA AHAADEE OO KA DHASHA ISTICMAALKA MACLUUMAAD KASTA OO BOGAGA LA SOO GELIYO, LA GUDBIYO AMA SI KALE LOOGU SOO BANDHIGO BOGGA, ADEEGYADA, AMA SI KALE INTERNEETKA LOOGU SOO BANDHIGO. GOBOLADA QAAR AYAAN OGOLAAN REEBITAANADA AMA XADDIDAADA DHIBAATOOYIN AAN ULA KACA AHAYN AMA KUWA FAL KALE KA DHASHA, MARKAAS WAXA LAGA YAABAA IN XADDIDAADA SARE AANAY KUGU HABBOONAYN.

HADDII REEBITAAN, AFEEF AMA QODOB KALE OO KU QORAN SHURUUDAHAN AY MAXKAMAD AWOOD U LEH OGAATO IN AANU DHAQANGAL AH SABABTU WAX KASTA HA NOQOTEE, OO NOURISHEDRX KA MASUUL NOQOTO KHASAARAHA AMA DHAAWACA YIMI, MARNABA WADDARTA LOO RAACAYO, HA NOQOTO MID KA DHASHAY DHAAWAC, QANDARAAS, AMA WAX KALABEE, MA KORMARI KARO BOQOL DOOLAR ($100.00 USD). SHARCIYADA QAARKOOD MA OGOLAADAAN REEBITAANKA AMA XADDIDAADAHA DAMAANADAHA LA MALDAHAY AMA XADDIDAADAHA LA SAARAYO SHARCI XUQUUQEEDKA MACMIILKA EE HOREY U JIRAY, MARKAAS QAAR AMA DHAMMAAN QODOB KORE WAXA LAGA YAABAA IN AANAY KUGU DABBAQMIN. HADDII AAD TAHAY QOF DEEGAAN SHARCIYEED KAA KOR QAADAYA QODOB GAAR AH, WAXYAABAHA SOO SOCDA AYAA KUGU DABBAQMAYA. TUSAALE AHAAN, DADKA DEGGAN KALAFOORNIYA, WAA IN, IYADOO AY SHURUUD KU XIRAN SHURUUDAHAN TAHAY, KA TANAASULAAN DHAQANGALNIMADA XEERKA MADANIGA AH EE KALAFOORNIYA QAYBTA 1542, EE SHEEGAYA "SII DAYN GUUD KUMA DABBAQMAYO SHEEGOOYINKA MUUJINAYA IN DEYBIXIYUHU AANU OGAYN AMA KA SHAKI QABIN IN SII DEYNTAASI JIRTAY XILLIGII FULINTII SII DEYNTA, KAAS OO HADDII UU OGAAN LAHAA SAAMEYN KU LAHAYD XALLINTA DAYNTA EE UU QABO DAYN BIXIYUHU." WAXAAD HALKAN KAGA TANAASULAYSAA QAYBTAN XEERKA MADANIGA AH EE KALAFOORNIYA. WAXAAD HALKAN KAGA TANAASULAYSAA QODOB KASTA OO KAN LA MID AH OO KU JIRA SHARCI, XEER, AMA SHARCI-NIDAAMIYE KAAS OO LEH SAAMEY AMA UJEEDO U DHIGANTA SIIDAYNTA KOR LAGU SOO XUSAY

7. Afeefta Dammaanadaha.

ISTICMAALKA ADEEGYADA IYO ABLIKAYSHANKU GUUD AHAAN WAA MID KUU IKHTIYAARI AH. ADEEGYADA IYO ABLIKAYSHANKA WAXA LOO BAXSHAY QAAB "SIDAY YIHIIN" AH IYADA OO AAN LA SOO RAACINAYN WAX DAMMAANAD AH NOOCAY DOONTO HA NOQOTEE. ILLAA HEERKA UGU SARREEYA EE UU OGOLAADO SHARCIGA KU HABBOON, NOURISHEDRX WAXAY SI MUUQATA UGA AFEEFANAYSA DHAMMAAN DAMAANADAHA, HA NOQDAAN KUWA AFKA LAGA YIDHI, SHARCI WAAJIBIYO, SI AAN TOOS AHAYN LOO SHEEGAY, AMA SI KALEBA KU YIMIYI, OO AY KU JIRAAN, IYADA OO AANAY KU KOOBNAYN, DAMAANADAHA IIBGALNIMADA, KU HABBOONAANTA UJEEDO GAAR AH, MILKINIMO, AMA XAD GUDUB LA'AAN.

IYADA OO AANAY XADDIDAYN QODOBKA SARE, NOURISHEDRX MA QAADAYSO WAX DAMMAANAD AH OO KHUSEEYA: (1) HELITAANKA AAN KALA GO'A LAHAYN IYO ISKU HALLAYNTA ADEEGYADA AMA ABLIKAYSHANKA; (2) NATIIJOOYINKA LAGA YAABO IN LAGA HELO ISTICMAALKA ADEEGYADA AMA ABLIKAYSHANKA; (3) WAQTI KU IMAANSHAHA, SAXNAANTA, ISKU HALLAYNTA, AMA DHAMMAYSTIRNAANTA XOGTA LAGA HELO ADEEGYADA AMA ABLIKAYSHANKA, AMA (4) IN ADEEGYADA AMA ABLIKAYSHANKU AANU LAHAYN WAX KHALADAAD AH, FAYRASYO, WOORMIS, TOROJAAN HOORSIS, AMA WAXYAABAHA KALE EE DHIBTA LEH. WAXA AAD QIRAYSAA OO AQBASHAY INAAD ABLIKAYSHANKA KU ISTICMAALAYSO ISKAA IYO IKHTIYAARIGAA OO WAXAAD OGTAHAY IN NOURISHEDRX AANAY KUU DAMMAANAD QAADAYN IN AAN LA KHALKHLA GELINAYN KU RAAXEYSIGAAGA ABLIKAYSHANKA AMA ADEEGYADA, IN KHALADAADKA LA SIXI DOONO, AMA IN SHAQOOYINKA KU JIRA AMA AY QABTAAN ADEEGYADU AMA ABLIKAYSHANKU BUUXIN DOONAAN SHURUUDAHAAGA. WAXAAD HALKAN KU QIRAYSAA IN NOURISHEDRX AANAY BIXINAYN, OO AANAY ISU-DHIGAY INAY BIXISO, WAX TALO CAAFIMAAD AH WAXAY DOONTABA HA NOQOTEE, WAANA IN AADAN NOURISHEDRX UGU TIIRSANAANIN INAY KU SIISO WAX TALO AH.

NOURISHEDRX MA DAMMAANAD QAADI KARTO MANA DAMMAANAD QAADAYSO MACLUUMAADKA AAD BIXISO INAAN SI XUN LOO ISTICMAALAYN, LA DHEX GAELAYN, LA TIRTIRAYN LA BURBURINAYN AMA CID KALE ISTICMAALAYN.

8. Magdhow ka dhaafis.

Waxaad halkan ku aqbashay inaad ka dhaaftay, ka difaacayso oo aadan u haysan magdhow ah NourishedRx iyo saraakiisheeda, agaasimayasheeda, shaqaalaheeda, wakiiladeeda, cidda leh dhaxalkeeda iyo cidday shaqo u dirsatayba khasaaraha, sheegashooyinka, ama eedaha, oo ay ku jiraan khidmaha iyo kharashka qareenadu galaan, ee la xiriira isticmaalkaaga, si xun u isticmaalkaaga, ama awood daradaada isticmaalka Adeegyada ama Ablikayshanada, ku xadgudubkaaga Shuruudahan, ama dayacaad ama habdhaqan xumi kasta oo adiga ama cid ku metesha ku kacdo. NourishedRx waxay xaq u leedahay inay, iyadoo kharashkeeda isu qabta, iska difaacdo oo xakameyso xaalad kasta oo sida kale magdhow ka dhaafis laga filayay.

9. Shuruuda, Joojinta iyo Gebogebaynta.

Shuruuddaha shuruudahan iyo shatiga halkan lagu bixiyay wuxu bilaabmi doontaa taariikhda aad muujiso inaad aqbashay Shuruudahan wuxuna socon doonaa illaa inta aad joojinayso isticmaalkaaga Ablikayshanka iyo Adeegyada ama NourishedRx joojinayso xuquuqdaada isticmaal ee Adeegyada ama Ablikayshanka. NourishedRx way joojin kartaa ama laali kartaa xuquuqdaada isticmaalka Adeegyada ama Ablikayshanka markasta ama sabab kasta oo ay doonaan ogeysiis la'aan. Xaddidaad la'aan, NourishedRx way joojin kartaa ama laali kartaa xuquuqdaada aad ku isticmaasho Adeegyada ama Ablikayshanka, islamarkiiba haddii NourishedRx ogaato inaad ku kacday waxyaabo sharci darro ah ama aan sax ahayn oo la xiriira isticmaalkaaga Adeegyada ama Ablikayshanka ama aad si kale u jebisay Shuruudahan. Joojinta ama laalista koontadaada marka laga yimaado, NourishedRx waxay xaq u leedahay inay qaaddo tallaabo sharciyeed, oo ay ku jirto inkastoo aanay ku koobnayn inay kula tiigsato dacwad maxkamad madani, dambi ama sixitaan. Xitaa ka dib marka xuquuqdaada isticmaalka ee Adeegyada ama Ablikayshanka la joojiyo ama la laalo, Shuruudahan way kugu dabbaqnaanayaan. Qaybaha 2 - 16 way ka soo harayaan joojinta Shuruudahan.

10. Isbedelada Lagu Sameeyo Adeegyada iyo Ablikayshanka.

NourishedRx waxay iyadoon cid kale amar ka sugeen xaq u leedahay inay dib u qiimeyso, horumariso, cusbooneysiiso, wax ka beddesho, ama joojiso, hakiso ama gabi ahaanba laabto, Adeegyada ama Ablikayshanka ama xog ama macluumaad kasta oo ku jira Adeegyada ama Ablikayshanka iyada oo aan cidna wargelin doonin. NourishedRx dhinacna uma qabsan karo wax ka beddelisa ama joojinta Adeegyada ama Ablikayshanka, qayb ahaan ama guud ahaan.

11. Xogaha Dhinaca Saddexaad.

NourishedRx waxa laga yaabaa inay ku soo bandhigto, ama soo geliso xogo ama linkiyo websaydyada ama adeegyda dhinacyada saddexaad (oo ay ku jiraan iibiyayaasha adeegyada cuntada) iyadoo u marinaysa Ablikayshanka ama inta la bixinayo Adeegyada (si guud loogu yeedho, “Xogaha Dhinacayada Saddexaad”). Waxaad qiraysaa oo aqbashay in NourishedRx aanay ka masuul ahayn Xogaha Dhinacyada Saddexaad, oo ay ku jiraan saxnaantooda, dhammaystirnaanooda, waqtiyaysnaantooda, u hogaansankooda xuquuqda daabacaada, sharcinimadooda, akhlaaqdooda, tayadoo ama wixii kale la halmaala. NourishedRx ma qaadayso loomana qabsanayo masuuliyadda dhibaato ama wax kastoo kugu dhaca ama cid kale ku dhaca oo ka yimaada Xogaha Dhinacyada Saddexaad. Xogaha Dhinacyada Saddexaad iyo linkiyada ku geynaya waxa loo sameeyay keliya in hawlaha laguugu sahlo oo isticmaalkaaga iyo helitaankoodu waa kuu ikhtiyaar wixii dhib ah ee ka yimaadana waxay ku xiran yihin shuruudaha iyo xaaladaha ay u dejiyeen dhinacyadaas saddexaad.

12. Garnaq; Xeerka iyo Cidda Ka Garnaqaysa.

Shuruudahan waxa lagu maamuli doonaa, lagu macnayn doonaa, oo lagu fulin doonaa shuruucda Gobolka Connecticut, iyada oo aan loo eegin doorashada mabaadi'da sharciyeed. Waxaad aqbashay in khilaaf kasta oo ka soo baxa ama si uun ula xiriira isticmaalkaaga Adeegyada ama Ablikayshanka u baahan yahay in dacwadaas lagu xalliyo hab garsoored sharciya oo guud ahaanba qarsoodi ah; haddiise ay dhacdo inaad si uun u jebisay waajibaadkaagi ilaalinta qarsoodinimo ee ku jira Shuruudahan, NourishedRx waxay qaadi kartaa kiis maxkamadeed degdeg ah ama wixii kale ee tallaabo ah. Garnaqan waa in lagu hor qaado saddex garqaade dhexdhexaad ah oo jooga Stamford, Connecticut, Maraykanka, si waafaqsan xeerarka Ururka Garnaqa Maraykanka (American Arbitration Association, “AAA”), hadba sida xeerarkaas u dhaqangashan yihiin. Wax dacwad ah oo dhinacyo saddexaad ah laguma soo dari kari ama si kale looma soo gelin karo garnaqa dacwadda. Illaa iyadoo si cad uu u sheegay sharciga ku habboon maahane, dhinac kasta waa inuu isu qabo kharashka qareenadiisa iyada oo aan loo eegayn dhinaca dacwadda ku guuleystay. WAXAAD HALKAN SI AAN KA NOQOD LAHAYN OO BILAA SHURUUD AH UGA TANAASULAYSAA XUQUUQDAADA AAD KU DALBAN KARTO IN GOLE MAXKAMADEED LA HORGEEYO KIISASKA KA DHASHA SHURUUDAHAN AMA BOGGA AMA ADEEGYADA, OO WAAD KA TANAASUSHAY DHAMMAAN XUQUUQAHAAGA LAGUGUA MATALAYO DACWAD MAXKAMADEED OO LA XIRIIRA SHURUUDAHAN, ABLIKAYSHANKA, ADEEGYADA, AMA MAWDUUC KASTA OO LA XIRIIRA WAXYAABAHA HALKAN LAGAGA HALDAY.

13. Kala-go’aanshaha shuruudaha.

Adiga iyo NourishedRx waxaad ku heshiiseen haddii qayb kasta oo ka mid ah Shuruudahan la ogaado inay sharci darro yihiin ama aan la dhaqangelin karayn, qaybtaas waxa loo fahmi doonaa inay u dhaqangeli doonto sida ugu habboon ee suurtagalka ah ee sharcigu ogol yahay inta ka soo hadhay Heshiiskana way sii dhaqangelaysaa illaa heerka ugu sarreeya ee sharcigu ogolaado.

14. Wakaaladnimo la'aan.

Shuruudahan loogama dan laha ama laguma abuurayo wax wakaaladnimo, iskaashi, wada-shaqayn, xidhiidh shaqaaleysiiye-shaqaale metele-metelbixiye ah.

15. Kor ahaanta iyo Dhammaysnaanta Heshiiska.

Shuruduahani waxay u taagan yihiin heshiiska adiga iyo NourishedRx idin dhexyaal oo isku dhan marka la fiirinayo Adeegyada iyo Ablikayshanka waxayna nasakhayaan nooc kasta oo Shuruudahan ah oo horey u jiray. Ku fashilanka NourishedRx ku fashilanto dhaqangelinta sharci kasta oo ka mid ah Shuruudahan looma fasarin karo ka tanaasul wax waajibaad ah am xuquuq ah. Shuruudahan waxay u faa’iidi doonaan NourishedRx iyo cid kasta oo ku xigta oo xilka kala wareegta ama loogu xilsaaro.

16. Isbedelada Ku Yimaada Shuruudahan iyo Adeegyada iyo Ablikayshanka.

NourishedRx waxay, iyadoo aan cidna ka amar qaadanayn, xaq u leedahay inay beddesho, wax ka beddesho, wax ku darto, kordhiso, ama tirtirto mid kasta oo ka mid ah shuruudahan iyo xaaladaha ku xiran Shuruduahan (ama Siyaasadda Asturnaanta) markasta, iyadoo dhaqangelaysa ogeysiiska marka la baxsho ama marka aan la bixinba. Haddii wax isbeddel ah oo mustaqbalka Shuruudahan lagu sameeyo aanay ku cuntamayn ama aanay ahayn kuwo waafaqsan Shuruudahan, waa inaad isla markiiba joojiso isticmaalka Adega iyo Ablikayshanka. Sii isticmaalkaaga Adeega iyo Ablikayshanka ka dib marka isbeddel lagu sameeyay Shuruudahan waxay ka dhigan tahay inaad si buuxda oo aan ka laabasho lahayn u aqbashay dhammaan isbedeladaas wax kasta oo ay yihiinba.

Markaan ka qaybqaato barnaamijkan, waxaan qirayaa inaan akhriyay oo fahmay Shuruudaha iyo Xaaladaha Adeegyada iyo Ablikayshanada ee NourishedRx.

Al acceder o utilizar la Aplicación proporcionada por Nourishe que enlaza con estos Términos o al recibir los Servicios después de recibir la notificación de estos Términos, usted acepta regirse por los términos y condiciones de estos Términos. Si no está de acuerdo con estos Términos, no podrá acceder ni utilizar los Servicios o la Aplicación.Al acceder o utilizar la Aplicación proporcionada por NourishedRx que enlaza con estos Términos o al recibir los Servicios después de recibir la notificación de estos Términos, usted acepta regirse por los términos y condiciones de estos Términos. Si no está de acuerdo con estos Términos, no podrá acceder ni utilizar los Servicios o la Aplicación.

Si utiliza la Aplicación o los Servicios en nombre de cualquier persona, declara y garantiza que está legalmente autorizado a aceptar estos Términos en nombre de dicha persona y que acepta ser responsable si usted o dicha persona infringe estos Términos.Si utiliza la Aplicación o los Servicios en nombre de cualquier persona, declara y garantiza que está legalmente autorizado a aceptar estos Términos en nombre de dicha persona y que acepta ser responsable si usted o dicha persona infringe estos Términos.

Nourishe puede cambiar, agregar y/o eliminar cualquier parte de estos Términos en cualquier momento mediante la publicación de los Términos actualizados en la Aplicación, y dichas actualizaciones entrarán en vigor al publicarse en la Aplicación. El uso de los Servicios o la Aplicación después de dicha publicación constituirá su aceptación y aceptación de dichos cambios. Por lo tanto, debe revisar estos Términos con frecuencia para ver si se han modificado.NourishedRx puede cambiar, agregar y/o eliminar cualquier parte de estos Términos en cualquier momento mediante la publicación de los Términos actualizados en la Aplicación, y dichas actualizaciones entrarán en vigor al publicarse en la Aplicación. El uso de los Servicios o la Aplicación después de dicha publicación constituirá su aceptación y aceptación de dichos cambios. Por lo tanto, debe revisar estos Términos con frecuencia para ver si se han modificado.

POR LA PRESENTE, USTED RENUNCIA DE MANERA IRREVOCABLE E INCONDICIONAL AL DERECHO A UN JUICIO CON JURADO EN CUALQUIER ACCIÓN QUE SURJA DE O ESTÉ RELACIONADA CON ESTOS TÉRMINOS O LA PLATAFORMA O LOS SERVICIOS, Y A TODOS Y CADA UNO DE LOS DERECHOS A PARTICIPAR EN UNA DEMANDA COLECTIVA O CUALQUIER OTRO PROCEDIMIENTO COLECTIVO O REPRESENTATIVO RELACIONADO CON ESTOS TÉRMINOS, LA APLICACIÓN, LOS SERVICIOS O CUALQUIERA DE LOS TEMAS CONTEMPLADOS EN ESTE DOCUMENTO. Estos Términos se rigen, interpretan y hacen cumplir de conformidad con las leyes del estado de Connecticut, sin tener en cuenta los principios de elección de la ley. Usted acepta que cualquier disputa que surja o esté relacionada de alguna manera con su uso de los Servicios o la Aplicación requiere que dicha reclamación se resuelva exclusivamente mediante un arbitraje confidencial y vinculante; siempre que, en la medida en que usted haya violado o amenazado con infringir de alguna manera sus obligaciones de confidencialidad en virtud de estos Términos, NourishedRx puede solicitar una medida cautelar u otra medida adecuada. El arbitraje se llevará a cabo ante tres árbitros neutrales en Stamford, Connecticut (EE. UU.), de conformidad con las normas de la Asociación Estadounidense de Arbitraje («AAA») vigentes en ese momento. En el procedimiento de arbitraje no podrá acumularse ni combinarse de otro modo ninguna reclamación de ninguna otra parte. A menos que la ley aplicable exija expresamente lo contrario, cada una de las partes correrá con sus propios honorarios de abogado, independientemente de cuál de las partes se considere la parte vencedora en el procedimiento de arbitraje.