
Dib-u-eegistii u dambaysay: Luulyo, 2025
Nooca 1.0
NourishedRx waxa ay qiimeysaa oo ay ka go’an tahay ilaalinta xogta iyo asturnaanta xubnaheena. Kelmadaha "NourishedRx,” “annaga,” iyo “inaga” waxay koobayaan Project Well, Inc., DBA NourishedRx, iyo shirkadaha nala jaalalka ah iyo kuwa na hoos yimaada. Siyaasaddan Asturnaanta waxay sharraxaysaa dhaqamadeena ku aadan macluumaadka onlaynka iyo meelaha khadka ka baxsan, noocyada macluumaadka ah ee aanu soo uruurino, waxa aanu ugu talagalnay in aanu u isticmaalno.
Siyaasaddan Asturnaanta waxay ku dabbaqmaysaa oo khusaysaa macluumaadka ay NourishedRx uruuriso ee ku halwgasho intay ganacsigooda wadaan, sida kuwa lagu uruuriyo websaydaya NourishedRx ("Bog" kasta), ablikeyshanada moobilada, iyo meelaha onlaynka iyo kuwa khadka ka baxsanba (oo ay ku jiraan dhammaan adeegyada kale onlaynka ah iyo tooskaba ay u bixiyaan NourishedRx ama cid metelaysay, looguna yeedhayo "Adeegyada").
Siyaasaddani waxay ku dabbaqmaysaa oo khusaysaa dhammaan qaybo hawleedyada NourishedRx, shirkadaha hoos yimaada, kuwa la jaalka ah, iyo shirkad kasta oo kale oo dheeraad ah oo laga yaabo in NourishedRx shirkad hoosaad ama jaal ka dhigato.
Siyaasaddan Asturnaanta way isbeddeli karta waqti ka waqti. Waxaad fahamtay oo ogolaatay in loo qaadanayo inaad aqbashay Siyaasadda Asturnaanta ee cusub haddii aad sii isticmaasho Adeegyada ka dib marka Siyaasadda Asturnaanta ee cusub la soo dhigo goobaha Adeegyada. Haddii ay dhacdo inaad mar uun ogolaan waydo qayb kasta oo ka mid ah Siyaasadda Asturnaanta, markaas taasi waxay ka dhigan tahay inaad joojiso isticmaalka Adeegyada. Haddii wax isbeddel ah ku yimaadaan Siyaasadda Astunaanta, NourishedRx waxay kugu soo ogeysiin doontaa iimayl ahaan, ogeysiis Adeegyada lagaaga soo dhex diro, ama sidii kale ee sharcigu waajibiyo.
Qeexitaanno. Kelmadaha farta waaweyn lagu bilaabay ee soo socda waxay yeelanayaa macnayaasha hoos lagu sheegay.
"WAKIIL" waxa loola jeedaa qandaraasle, adeeg bixiye, ama wakiil kast aoo NourishedRx.
"MACLUUMAAD SHAKHSI YEED" waa macluumaad kasta oo la xiriira ama si macquula loola xiriirin karo qof la aqoonsan yahay ama la aqoonsan karo ("Shakhsi").
"HAWLGELIS" ama "Ka Hawlgelis" waxa loola jeeda shaqo kasta oo laga qabo Macluumaadkaaga Shakhsiyeed, ha noqoto qaab otomaatig ah ama aan ahayn, sida soo uruurinta, diiwaaninta, qaabeynta, isku-aadinta, kaydinta, waafajinta, wax ka beddelista, soo saarita, ka talo bixinta, isticmaalka, baahinta marka la gudbinayo, wadaagista ama si kale u soo bandhigista, is-waafajinta ama isku darista, xaddidista, tirtirista, ama burburinta.
"XOG XASAASIA AH" ama "MACLUUMAAD SHAKHSI YEED XASAASI AH" waa qayb hoosaad Macluumaadka Shakhsiyeed leeyahay oo ka koobnaan kara macluumaadka soo socda, hadba siday ugu qeexan yihin xeerarka ilaalinta xogta ee ku habboon: (1) qowmiyadda ama asalka qofka; (2) aragti siyaasadeed; (3) caqiido diimeed ama falsafadeed; (4) xubin ka noqoshada urur shaqaale; (5) xog hidde-side; (6) xog bay’omeetrik (faraha, indhaha iwm) oo si gaar ah loogu aqoonsado qof; (6) PHI/PII; (7) jihada galmo ama macluumaad ku saabsan nolosha galmo ee qofka; ama (8) xog la xiriirta ku lug lahaanshaha dembi
"DHINAC SADDEXAAD" waa shirkad kasta, qof caadiya ama mid sharciyeed, maamul dowladeed, hay'ad, ama cid kasta oo aan ahayn Shakhsi ga, NourishedRx ama Wakiilada NourishedRx.
Noocyada Macluumaadka Shakhsi yeed ee Aanu Uruurino iyo Sida Aanu u isticmaalno Noocyada Macluumaadka Shakhsi yeed ee laga yaabo inaanu uruurino (aanu toos kaaga qaadano ama ka helno ilo Dhinac Saddexaad) iyo dhaqamadeena asturnaanta sireed waxay ku xiran yihiin nooca xiriirka aad la leedahay NourishedRx iyo waxyaabaha shuruucda ku habbooni waajibinayso. Qaar ka mid ah qaababka NourishedRx u uruurin karto Macluumaadka Shakhsi yeed waxa ka mid ah:
NourishedRx waxay uruurisaa Macluumaad Shakhsi yeed oo ku saabsan macaamiisha, isticmaalayaasha, booqdayaasha, iyo martida hadda, kuwa soo socda, iyo kuwii horeba (si guud loogu yeedhayo"Shakhsi yaad").
Waxa aanu Macluumaadka Shakhsi yeed ee ku saabsan Shakhsi yaadka u qabanaa, u haynaa, u isticmaalnaa oo uga hawlgalnaa si aanu u adeegsano ujeedooyin ganacsi oo kala duwan, sida:
Cilmibaarista iyo Horumarinta. NourishedRx waxay Macluumaadka Shakhsi ga ah u isticmaali kartaa si ay u abuurto macluumaad aan la aqoonsan karin oo laga yaabo in aan u isticmaalno keli ahaan ama wadar ahaan annagoo ku darayna macluumaad aanu ka helnay ilo kale, si ay nooga caawiso in aan si wanagsan ugu bixino alaabada iyo Adeegyadayada hadda jira ama soo saarista alaabooyin iyo adeegyo cusub. Waqti ka waqti, NourishedRx waxay samayn kartaa cilmi-baaris (onlayn iyo oflayn) loo marayo sahamin iyo sahan. Waxa laga yaabaa inaanu adeegsano adeeg bixiyayaal Dhinac Saddexaad ah si ay sahan u sameeyaan iyagoo na metalay. Dhammaan jawaabaha sahanku waa ikhtiyaari, macluumaadka la ururiyeyna waxaa loo isticmaali doonaa cilmi-baaris iyo ujeeddooyin warbixineed si ay nooga caawiyaan inaan si wanagsan ugu adeegno Shakhsi yaadka annagoo wax badan ka baraneyno baahiyahooda iyo tayada badeecadaha iyo adeegyada aan bixinno. Jawaabaha sahanka waxa laga yaabaa in loo isticmaalo si loo go'aamiyo waxtarka adeegyadayada, noocyada kala duwan ee isgaarsiinta lagu wada xiriiro, ololayaasha xayaysiinta, iyo/ama hawlaha kale ee xayaysiinta. Haddii Shakhsi ka qaybqaato sahanka, macluumaadka la bixiyay waxaa si wadajir ah loola isticmaali doonaa ka qaybgalayaasha kale ee cilmi- baarista. Waxaa laga yaabaa inaanu xog shakhsiyeed bilaa magaca oo la isku keenay u wadaagno ujeedooyin cilmbaariseed ama kuwo falanqayneed.
Isgaarsiinta. Shakhsiyaadka na siiya Macluumaad Shakhsiyeed, ama kuwa macluumaadkooda shakhsiyeed laga helay Dhinac Saddexaad, waxay naga heli karaan iimaylo joogto ah, wargeysyo, waraaqo boosto, ama wicitaanno telefoon oo aan ugu soo gudbinno macluumaad ku saabsan badeecooyinka iyo adeegyada NourishedRx ama shuraakadayada ganacsi, iyo sidoo kale xaflado/ dhacdooyin gaar ah oo aanu u maleyno inaad xiisayn doonto. Shakhsiyaadku way diidi karaan xiriiradan iyagoo raacaya tilmaamaha ku qoran Qaybta 5 ee hoose.
Adeegyada lagu Helo Moobilka. Waqti ka waqti, NourishedRx waxa laga yaabaa inay bixiso adeegyo si gaar ah loogu naqshadeeyay inay la jaanqaadaan oo loogu isticmaalo aaladaha mobilada. NourishedRx waxay uruurin doontaa macluumaad gaar ah oo aaladaada moobilku soo dirto marka aad adeegsato Adeegyadan, sida aqoonsiga aaladda, setingiska isticmaalaha, macluumaadka goobta, shirkadda ku siisay adeegyada moobilka, iyo nidaamka barnaamijka moobilkaagu ku shaqeeyo. Noocyada moobilka loo isticmaalo ee Adeegyada NourishedRx waxa laga yaabaa inay u baahdaan inay isticmaalayaashu ku soo galaan koonto. Xaaladahan oo kale, macluumaadka ku saabsan isticmaalka noocyada moobilka ee Adeegyada waxa laga yaabaa in lala xidhiidhiyo koontooyin.
Isticmaalka Macluumaadka Wadaraysan ee Bilaa Magaca ah. NourishedRx waxa laga yaabaa inay Macluumaadka Shakhsiyeed iyo macluumaadka kale ee adiga kugu saabsan u isticmaasho si ay u abuurto macluumaad bilaa magac ah oo wadaraysan, sida macluumaadka tirakoobeedka aan la aqoonsan, macluumaadka goobta aan la aqoonsan, macluumaadka ku saabsan kombiyuutarka ama qalabka aad ka soo gasho Adeegyada NourishedRx, ama falanqaynaha kale ee aanu sameyno. Macluumaadka bilaa magaca ee wadaraysan waxa loo isticmaalaa hawlo kala duwan, oo ay ku jiraan qiimeynta xiisaha iyo isticmaalka booqdayaashu u hayaan qaybaha kala duwan ee Adeegyada. Macluumaadka bilaa magaca ee wadaraysan ma aha Macluumaad Shakhsiyeed, oo NourishedRx waxay u isticmaali kartaa macluumaadkan siyaabo dhowr ah, oo ay ku jiraan cilmi-baaris, falanqeyn gudaha ah, falanqeyn guud, iyo ujeeddooyin kale oo sharci ahaan la ogol yahay. Waxa laga yaabaa in aanu macluumaadkan iskula wadaagno shirkadda dhexdeeda NourishedRx iyo Dhinacyada Saddexaad iyadoo la fiirinayo ujeedooyinkeena ama kuwooda waxana macluumaadkan laga dhigayaa mid bilaa magac ah oo wadaraysan si looga hortago in qofna ku aqoonsan karo.
Annaga, iyo sidoo kale Dhinacyada Saddexaad ee bixiya macluumaad, xayaysiin, ama hawlaha kale ka dhex qabta boggaga Adeegyadayada, ayaa laga yaabaa inaanu xog-kaydiyeyaasha, calaamadaha biksaliska, koodh websaydeedka, ama tiknoolajiyadaha kale ee wax lagula socdo ("Tiknoolajiyado") u adeegsano inaanu si otomaatig ah macluumaad ugaga uruurino ciddii soo booqata boggaga Adeegyada. Waxaan isticmaalnaa Tiknoolajiyado kuwaas ah faylal xogeed yaryar oo al dhex geliyo kumbuyuutarkaaga, tablet-kaaga, taleefankaaga gacanta, ama aaladaha kale (wada jir ahaan loogu yeedho "aalado") taasoo noo ogolaanaysa inaan kaydsano qaybo ka mid ah macluumaadka mar kasta oo aad booqato ama la falgasho shabakadahayada, adeegyada, ablikeyshanada, fariimaha, iyo agabka, iyo in lagaa dhex aqoonsado dhammaan aaladaha.
Xog-kaydiyeyaasha. Xog-kaydiyeyaasha waa faylal yar oo qoraal ah oo la dhex geliyo kumbuyuutaada booqdayaasha ama barawsarada aaladda si loo kaydiyo waxyaabaha qofka daalacanaya doorbido. Waad iska xiri kartaa ama tirtiri kartaa xog-kaydiyeyaasha adigoo beddelaya setingiska barawsarkaaga ama aaladdaada. Si kastaba ha ahaatee, haddii aad sidaas samayso, websaytku sihabboon uma shaqeyn doono, waxaana kaa xanniban doona qaar ka mid ah shaqooyinka.
Calaamadaha Biksaliska/Koodh Websaydeed. Calaamad biksaleed (sido kale loo yaqaano koodh websaydeed) waa koodh yar oo la dhexgeliyo Websaydka oo uruurisa macluumaadka isticmaalaha soo booqda bogaas websaydka. Isticmaalka biksalku waxay noo sahlaysaa inaan kaydino, tusaale ahaan, in isticmaaluhu soo booqday bog gaar ah oo websaydka ka mid ah ama gujiyay xayaysiin gaar ah.
Isticmaalkayaga Tiknoolajiyadaha noocan ah waxay hoos tagtaa mid ka mid ah qaybahan guud ee soo socda:
Haddii aad jeclaan lahayd inaad doorato inaadan ku lug yeelan Teknolojiyadaha aan ku isticmaalno Bogageena iyo Adeegyada, ablikeyshanada iyo agabyada, waxaad sameyn kartaa inaad ka xannibto, tirtirto, ama ka damiso tiknoolajiyadaha barawsarkaaga ama qaybta ogolaanshaha ee aaladaada.
Boggeena ama ablikeeshinnadayada waxa ku jiri kara linkiyo kugu geyn kara bogag kale, sidoo kale websaydyada kale ayaa laga yaabaa inay tixraacaan ama ku xiraan boggeena ama Adeegyadeena kale. Bogagan iyo websaydadan kale annagu ma xakameyno, oo NourishedRx ma damaanad qaadayso mana metesho oo masuuliyadooda ma qaadayso websaydyada Dhinaca Saddexaad ama barahooda bulshada. Waxa aanu isticmaalayaasheena ku dhiirigelinaa inay akhriyaan siyaasadda asturnaanta ee websayd iyo ablikeyshan kasta oo kale oo ay la falgalaan. Ma taageerno, ma hubinno, mana ansixino, sidoo kale mas’uul kama nihin amniga, dhaqamada asturnaanta, ama nuxurka websaydyada ama ablikeyshanadaa kale. Booqashada iyo isticmaalka websaydyadan kale ama ablikeyshanadaa waa khatar adiga kuu gaar ah.
Waxaan ka go’an tahay ilaalinta kalsoonidaada, waxaana rabnaa inaad fahanto goorta iyo cidda aan la wadaagi karno macluumaadka aan ururinno. Waxaan kaliya la wadaagnaa macluumaadka oggolaanshahaaga, si aan u raacno sharciga, si aan kuugu siino adeegyo, si aan u ilaalinno xuquuqdaada, ama si aan u fulinno waajibaadka ganacsi.
Waxa laga yaabaa inaanu ku shaqeyno ama la wadaagno xogta aan hayno iyadoo lagu saleynayo saldhigyada sharciga ee soo socda:
Macluumaadkaaga waxaanu la wadaagi karnaa sida ku cad Siyaasaddan Asturnaanta adeeg bixiyayaal Dhinac Saddexaad ah; si aanu kuugu siino adeegyadayada; si aanu u buuxinno waajibaadka sharci; si aanu u difaacno xuquuqdayada iyo hantidayada; ogolaanshahaaga; iyo siyaabaha kale ee hoos lagu faahfaahiyay.
Waxaad xaq u leedahay inaad diido oo aad ka baxdo isticmaalka iyo bixinta macluumaadkaaga gaarka ah sida hoos lagu sheegay.
Marka aad bixiso lambarkaaga taleefanka iyo/ama cinwaankaaga iimaylka, waxaad siisay oggolaansho inaad hesho isgaarsiimo ka imanaysa NourishedRx oo ay ku jiraan wicitaano taleefan, fariimo qoraal (SMS), iyo iimaylo. Haddii aad jeclaan lahayd inaad iska helista farriimaha iimaylada iyo qoraalka ah ee la xiriira suuqgeynta ee aanu kuu soo dirno, waxaad isticmaali kartaa linkiga rukumasho kala noqoshada ee ku yaal halka hoose ee iimaylka si aad u diido inaad hesho iimayl suugqeynta mustaqbalka, ama inaad farriinta kaga jawaabo "STOP" haddii aad hesho farriimaha gaaban ee moobilka SMS ee NourishedRx, ama inaad noola soo xiriirto qaabka lagu sharraxay Siyaasaddan Asturnaanta. Waxaanu u shaqayn doonaa codsigaaga sida waafaqsan xeerarka isgaarsiinta ee khuseeya. Waxaad sii heli doontaa iimaylo iyo fariimo SMS ah oo la xiriira macaamilada ku saabsan Adeegyada aad codsatay. Waxa kale oo laga yaabaa inaanu kuu soo dirno farriimo ganacsi oo gaar ah oo khuseeya NourishedRx iyo Adeegyadayada (tusaale ahaan, farriimo ku saabsan cusboonaysiinta Shuruudahayaga ama Siyaasaddan Asturnaanta).
Sida sharcigu qabo, waxaanu leenahay liisaska taleefanada “Ha Nala Soo Wicin” iyo iimaylada “Ha Ii Soo Dirin”. Waxaanu farsamaynaa codsiyada lagu darayo liisaskayaga “Ha Nala Soo Wicin” muddo 10 maalmood gudahood marka aanu helno, ama wakhti ka gaaban haddii ay shuruucdu sidaasi farayaan.
Ha Dabagelin (Do Not Track, DNT) waa xulasho asturnaneed isticmaalayaashu ku daaran karaan barawsarada websaydyada qaarkood. DNT waa qaab isticmaalayaashu websaydyada iyo adeegyada ku wargeliyaan inaanay rabin in macluuumaad gaar ah oo ku saabsan booqashadooda websaydka la uruuriyo lagana uruuuriyo websaydayada iyo adeegyada ay isticmaalayaan. Fadlan ogsoonow kama jawaabno mana tixgelino baaqyada DNT ama nidaamyada la midka ah ee ay noo soo diraan barawsarada websaydku.
Sida kor lagu xusay, waad joojin kartaa ama xaddidi kartaa xog-kaydiyeyaasha la geliyo koombiyuutarkaaga ama waad ka saari kartaa websaydka adigoo wax ka beddelaya xulashadaada barawsarka, haddii barawsarkaaga ama aaladaadu ogoshahay. Fadlan ogsoonow in diidista kuukiyadu aanay ablikeyshanada moobilada ku fiicnanayn. Si kastaba ha ahaatee, moobilo badan, isticmaalayaasha ablikeyshanadu waxay aragtida xayaysiinta ka soo damin karaan setingiska moobilkooda.
Si loo waadixiyo, haddii aad isticmaalayso nidaamkeena diidista kuukiyada ama kuwa kale onlaynka ah, diidista kuukiyada waa in lagu sameeyo aalad iyo barawsar kasta oo aad rajaynayso inaad diido. Tusaale ahaan, haddii aad ka diido dhanka barawsarka koombiyuutarkaaga, diidistaasi kuma dabbaqmayso moobilkaaga.
Waxaad awood u leedahay inaad eegto, cusboonaysiiso, oo tirtirto macluumaadka ku saabsan akoonkaaga iyo isdhexgalkaaga adiga oo adeegsanaya akoonkaaga ama adiga oo iimayl u diraya compliance@nourishedrx.com. Waxaad leedahay doorashooyin ku saabsan ururinta iyo isticmaalka macluumaadkaaga shakhsiyeed. Marka aad adeegsanayso adeegyadayada waxaad si toos ah ugu oggolaataa habdhaqankayaga Asturnaanta, balse waxaad haysataa ikhtiyaar inaad diido adiga oo noo soo diraya iimayl. Waxaad dooran kartaa inaadan bixin macluumaad gaar ah ama inaadan ku raacin habdhaqankayaga asturnaanta, balse markaa waxaa laga yaabaa inaadan si buuxda uga faa’iidaysan
adeegyadayada. Waxaad leedahay xuquuq aad ku eegto, ku beddesho, ama ku joojiso akoonkaaga wakhti kasta. Xuquuqaha la xiriira Macluumaadka Caafimaad ee La Ilaaliyo (PHI)
Haddii aad rabto inaad isticmaasho mid ka mid ah xuquuqahan, fadlan nala soo xiriir iimaylka: compliance@nourishedrx.com.
NourishedRx waxay haysaa Macluumaadka Shakhsiyeed ee aan helno sida lagu sharaxay Siyaasaddan Asturnaanta ilaa inta aad adeegsanayso Adeegyadayada ama inta loo baahan yahay si loo fuliyo ujeedada(aha) loo ururiyey, bixinta Adeegyadayada, xallinta khilaafaadka, dhisidda difaac sharciyeed, u hoggaansamidda waajibaadka sharci, xisaabeed, iyo warbixineed, u adeegidda ujeedooyin ganacsi oo sharci ah, dhaqan-gelinta heshiisyadayada, iyo u hoggaansamidda sharciyada iyo xeerarka khuseeya. Intaa waxaa dheer, waxaan sii wadi karnaa kaydinta Macluumaadkaaga Shakhsiyeed ee kaydadkayaga caadiga ah iyadoo la raacayo siyaasadaha NourishedRx. Muddada kaydinta waxay ku kala duwanaan kartaa iyadoo ku xiran nooca xogta iyo shuruudaha sharciyeed ama heshiiseed ee khuseeya.
NourishedRx, amniga waa mudnaanta ugu sarreysa. Waxaan naqshadeynaa nidaamyadayada anagoo maskaxda ku hayna ammaankaaga iyo asturnaantaada. Waxaan ku dhaqannaa barnaamijyo u hoggaansan oo kala duwan kuwaas oo si joogto ah u hubiya tallaabooyinka amniga. Waxaan ilaalinnaa ammaanka xogtaada marka loo gudbiyo ama looga gudbiyo websaydyada, ablikeyshanadaa, alaabada, ama adeegyada iyadoo la adeegsanayo hababka sir-gelinta. Waxaan ilaalinno tallaabooyin adag oo jireed, elektaroonig ah, iyo maamul ku saabsan ururinta, kaydinta, iyo shaacinta xogta shakhsiyeed, haddii xogta laga helo adiga ama ilo kale.
Shirkaddeennu si ammaan ah ayay elektaroonig ahaan ugu kaydisaa dhammaan xogtaada iyadoo la qaadayo tallaabooyin lagu ilaalinayo Protected Health Information (PHI) si looga hortago lumis, xatooyo, isticmaal khaldan, iyo marin, shaacin, wax-ka-beddelid, ama burburin aan la oggolayn, iyadoo la waafajinayo HIPAA iyo sharciyada iyo xeerarka kale ee khuseeya. Waxaan hirgelinay tallaabooyin amni oo farsamo iyo urureed ku habboon oo loogu talagalay ilaalinta xog kasta oo shakhsiyeed oo aan farsameyno. Waxaan si dhab ah u qaadnaa ammaanka macluumaadkaaga shakhsiyeed waxaana u adeegsannaa tallaabooyin kala duwan si aan u ilaalinno. Si kastaba ha ahaatee, hab kasta oo gudbin ah ama kaydinta xogta onlayn ah ma aha mid gebi ahaanba ammaan ah, sidaas darteed ma ballanqaadi karno in cid aan la oggolayn aysan waligeed heli karin macluumaadkaaga. In kasta oo aan dadaal badan ku bixinno ilaalinta xogtaada, haddana waxaan si weyn kugula talinaynaa inaad Websaydyada/Ablikeyshanadaa ku isticmaasho jawi ammaan ah.
Markaad isticmaasho Bogga ama Adeegyada ama aad na siiso Macluumaad Shakhsiya, waxaad aqbashay inaanu elegtarooni ahaan kugula soo xiriirayno iyadoo ay jiraan arrimahaas amni, asturnaaneed ee la xiriira isticmaalkaaga Bogga ama Adeegyada.
Haddii aad soo dirto ama shaaciso Macluumaad Shakhsiyeed Xasaasi ah, waxaad ogolaatay inaanu isticmaali karno Macluumaadka Shakhsiyeed ee Xasaasiga ah si waafaqsan Siyaasaddan Asturnaanta. Haddii aadan ogolayn ku hawlgelista iyo isticmaalkeena Macluumaadka Shakhsiyeed ee Xasaasiga ah, waa inaadan u soo gudbin macluumaadkan Adeegyadayada.
Haddii aad qabto wax su’aalo ah oo ku saabsan dhaqamadayada asturnaanta ama Siyaasaddan Asturnaanta, ama aad rabto inaad isticmaasho xuquuqahaaga, fadlan iimayl ugu soo dir NourishedRx cinwaanka compliance@nourishedrx.com.
Adeegyadayada looguma taligelin carruur. Annagu si ula kac ah ugama ururino macluumaad shakhsiyeed oo lagu aqoonsan karo qof ka yar da’da 13. Haddii aad tahay waalid ama mas'uul oo aad ka warqabto in ilmahaagu na siiyay Macluumaad Shakhsiyeed, fadlan nagala soo xiriir mid ka mid ah hababka lagu sheegay Siyaasaddan Asturnaanta. Haddii aanu ogaano inaanu Macluumaad Shakhsiyeed ka uruurinay carruur iyadoo aanu ogolaan waalid, waxaanu qaadi doonaa tallaabooyin macquul ah oo aanu macluumaadkaas kaga saarayno seerfarada.
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Xeerka Ilaalinta Qarsoonnimada ee Carruurta ("COPPA"), kaas oo quseeya bogagga internetka ee u haga adeegyadooda carruurta da'doodu ka yar tahay saddex iyo toban (13), fadlan booqo bogga Guddiga Ganacsiga Federaalka https://www.ftc.gov/business-guidance/resources/complying-coppa frequently-asked-questions
Waxaan cusboonaysiinnaa bayaankan asturnaanta sanadkiiba mar. Markaan sameyno, waxaan sidoo kale beddeli doonaa taariikhda "waxaa ugu dambeyntii la cusboonaysiiyay" ee ku qoran dusha bayaanka asturnaanta. Haddii isbeddello waaweyn lagu sameeyo bayaankan asturnaanta, waxaan ku wargelin doonaa isticmaalayaasha anagoo ogaysiis muuqda ku dhajinayna bogga hore ee website-ka NourishedRx ama dirayna ogeysiis toos ah. Waxaan ku dhiirri-gelinaynaa isticmaalayaasha inay si joogto ah dib u eegaan bayaankan asturnaanta si ay ula socdaan sida aan u ilaalinno macluumaadka shakhsiyeed ee aan ururrino. Haddii isticmaaluhu sii wado adeegsigayaga, waxaa loo arkaa inuu aqbalay bayaankan asturnaanta iyo wixii cusboonaysiin ah.