Ku raaxayso cunto caafimaad leh iyo taageero, adigoon wax kharash ah bixin inta aad uurka leedahay!
Waxaad heli doontaa lix bilood oo cuntooyin caafimaad leh, raashin, iyo taageero nafaqo. Cuntada waxaa loo diyaarinayaa si ay ula jaanqaaddo dhadhankaaga iyo baahiyahaaga caafimaad. Waxaa si toos ah laguugu keenayaa gurigaaga inta aad uurka leedahay iyo dhalmada ka dib.
Barnaamijkani waa bilaash dhammaan bukaannada u qalma ee People’s Center Clinics & Services.
Waxaad sidoo kale wici kartaa ama fariin (text) u diri kartaa NourishedRx lambarka 612-361-5856 ama iimayl noogu soo dir food@nourishedrx.com. Waxaan diyaar nahay Isniin ilaa Jimce, 7:00 subaxnimo ilaa 7:00 fiidnimo (CT), si aan kaaga caawino inaad bilowdo.




.png)





